Wararka
Golaha shacabka oo laalay qaraarkii hanaanka tartanka shaqaalaha Rayidka ee Xafiiska Ra'iisal wasaaraha ka soo baxay
Golaha ayaa xusay in guddiga shaqaalaha Rayidka uu u madax banaanyahay shaqadiisa

Muqdisho (SONNA): Golaha Shacabka ayaa soo saaray Qaraar ku saabsan laalista xeer LR.132 iyo qaraarkii hirgelinta hanaanka tartanka furan ee shaqaalaha dowladda ee door-soocasho ee kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha taariikhdu markii ay aheyd 17-kii September-2026, wuxuuna guddiga shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda uu faray in shaqo qorista iyo dalacsiinta ay ku saleeyaan nidaam tartan daah-furan oo loo simanyahay,kana fog, eex iyo ku tagrifal awoodeed, iyada oo la raacayo hab-raac shaqo qoris oo waafaqsan shuruucda dalka.






