Wararka
Madaxweynha JFS, oo Kambaala uga qayb galay Shir-Madaxeedka Dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya

SONNA-Muqdisho- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kambaala ee dalka Yugaandha uga qayb galay Shir-Madaxeedka Labaad ee Waddamada Ciidamadooda ka qeyb qaata howlgalka Taageerada iyo xasillinta ee Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka ku soo bandhigay horumarka la taaban karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dib-u-xoreynta dalka, dib-u-habaynta hay’adaha amniga, xoojinta dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo tayeynta adeegyada bulshada, isaga oo adkeeyey in guulahaasi ay saldhig u yihiin wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo garab istaagga saaxiibbada caalamka.
La wadaag


