calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Madaxweyne Xasan Sh.oo wacad ku maray in uusan ogolaan doonin in Soomaaliya ay xasilooni darro ka dhacdo

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wada-hadalku yahay habka ugu macquulsan ee lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sh.oo wacad ku maray in uusan ogolaan doonin in Soomaaliya ay xasilooni darro ka dhacdo
Madaxweyne Xasan Sh.oo wacad ku maray in uusan ogolaan doonin in Soomaaliya ay xasilooni darro ka dhacdo — SONNA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay isbeddelka dimoqraadiga ah ee Soomaaliya iyo guulaha amni, isagoo wacad ku maray in aan la ogolaan doonin qalalaasaha siyaasadeed iyo ‘cabsi-gelinta hubeysan’’ midna iyo inay wiiqaan horumarka adag ee uu dalka ku tallaabsaday.

Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan casho sharaf ah oo lagu sagootinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee xilka ka degay iyo Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Aadan Maxamed Nuur ayaa ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya ay ka soo baxday dhowr iyo toban sano oo colaad iyo kala qeybsanaan siyaasadeed.

"Soomaaliya kuma soo laaban doonto wixii hore," ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo wacad ku maray in dowladdu ay weli ka go'an tahay ilaalinta xasilloonida, xoojinta hay'adaha dimuqraadiga ah iyo xaqiijinta in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed.

"Ma oggolaan doonno in Soomaaliya ay xasillooni darro ka dhacdo," ayuu ku dhawaaqay munaasabadda habeenimadii Sabtida, isagoo Carrabka ku adkeeyay in kala duwanaanshaha fikradaha siyaasadeed ay tahay in lagu wajaho wadahadal iyo hannaan dastuuri ah halkii lagu wajihi lahaa rabshado.

Waxa uu xusay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka si joogta ah u raadineysay in ay la xiriirto Siyaasiyiinta ka soo horjeeda, Hogaamiyayaasha Bulshada iyo qeybaha kale, si loo xaliyo tabashooyinka jira.

Isagoo ka duulaya khibradiisa gaarka ah, Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in ka hor intii aanu Madaxweyne noqon September 2012-kii, uusan waligiis ku hoos noolayn ilaalo hubeysan iyo kolonyo amni. "Markii ugu horreysay ee noloshayda uu Askari nabadsugid ah uu raaco gaariga aan la socday waxay ahayd markii la ii doortay Madaxweynaha," ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore ay argagixisadda Al Shabab isku dayeen in ay dilaan. “Inkasta oo aan Madaxweynaha ahay, inkastoo Khawaarijta (Argagixisada Al-Shabaab) ay shan jeer isku dayeen inay i dilaan, haddana waa arrin ay dadka Soomaaliyeed aad ula socdaan, gudaha magaalada Muqdisho iyo kuwa ka baxsan, haddana ma aaminsani inaan u baahanahay kolonyo gaadiid dagaal ah iyo rag qoryo ku dhex lulaya magaalada oo dhan si ay ii difaacaan,” ayuu yiri.

"Muqdisho waxaa lagu arkay hoggaamiyeyaal dhaq-dhaqaaqooda gilgilay magaalada," ayuu yiri. "Waxay haysteen kolonyo waaweyn iyo qoryo waaweyn, laakiin waddanku nabad kama helin arrintaas," wuxuuna dib u xaqiijiyay xuquuqda dastuuriga ah ee Muwaadiniintu ay u leeyihiin inay cabiraan ra’yigooda, abaabulida mudaaharaad iyo ka qaybgalka hawlaha siyaasadeed si nabad ah.

Madaxweyne Dr: Xasan Sh. Maxamuud oo ku baaqay in la ilaaliyo hantida Dadweynaha.

 "Waxaad xaq u leedahay inaad dhiibato ra'yigaaga, waxaad xaq u leedahay inaad mudaaharaad sameyso," ayuu yiri, wuxuuna difaacay dib u habeynta doorashada iyo doorashooyinka dowladaha hoose ee Soomaaliya oo dhan, isagoo ku dooday in awoodda siyaasadeed ay si toos ah uga soo dhalaasho muwaadiniinta halkii ay ka ahaan lahayd magacaabid ama qaab dhismeed awoodeed oo aan rasmi ahayn, islamarkana bogaadiyay Bulshooyinka sida nabada leh uga qayb qaatay doorashooyinkii deegaanka iyo tan gobolada ee dalka ka dhacay, wuxuuna ugu baaqay Soomaalida in ay qaataan tartanka dimuqraadiga ah ee loo maro xisbiyada siyaasadda iyo hay’adaha matala.

"Xilligii nin keliya uu wax walba go'aamiyey waxay Soomaaliya u keentay dhibaato ku filan," ayuu yiri. "Mustaqbalkeenu waa inuu ku salaysan yahay hay'ado, sharciyo iyo rabitaanka dadka",  waxa uuna ku booriyay Shacabka in ay ka hortagaan burburinta kaabayaasha dhaqaalaha, islamarkaana waxa uu ugu baaqay in la ilaaliyo Waddooyinka iyo xarumaha kale ee danta guud ee dhawaan dib loo furay, kadib sanado badan oo amni darro ah.

XIGASHO:TRT Afrika

La wadaag