Wararka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay taliye ku xigeenka ciidanka Uganda
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidanka Uganda uga mahadcelceliyey kaalintooda howlgalka Midowga Afrika

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Jamhuuriyadda Yugaandha, General Sam Okiding, oo Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa kulamada uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu la qaadanayo madaxda ciidamada ee ka qaybgalaya shirka, kuwaasi oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo tayeynta wada-shaqeynta dalalka saaxiibka ah ee taageera amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Yugaandha kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska hay’adaha amniga iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.




