calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay qalinjabinta arday ka baxday machadka daraasaadka Amniga

500 oo arday ayaa ka maanta ka qalinjabiday machadka daraasaadka amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay qalinjabinta arday ka baxday machadka daraasaadka Amniga
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay qalinjabinta arday ka baxday machadka daraasaadka Amniga — SONNA

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 500 oo arday, kuwaasi oo dhammeystay saddex kulliyadooda oo ka mid ah kulliyadaha uu bixiyo Machadka Daraasaadka Amniga ee hoostaga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA).

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabadda ayaa hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay, isaga oo ku bogaadiyay dadaalka ay galiyeen waxbarashada iyo kor u qaadista aqoontooda, isla markaana ku boorriyay in ay tacliinta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan amniga, xasilloonida iyo dowladdnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga qaranku ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon, xirfad iyo karti sare si ay u xoojiyaan awoodda hay’adaha amniga, isaga oo bogaadiyay dadaallada lagu horumariyay Machadka iyo sidoo kale dib u habaynta lagu sameeyay manhajka, tayada aqoonta iyo tababarrada uu bixiyo.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, saraakiil ciidan iyo amni, macallimiinta Machadka, qalin-jabiyeyaal iyo marti-sharaf kale.

La wadaag