Wararka
Madaxweynaha dalka oo guutada 77 faray in ay noqdaan kuwo ay ku daydaan ciidamada kale ee Qaranka

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guutada ilaalada madaxtooyada ku boorriyay inay noqdaan kuwo ay ciidamada kale ee Qaranka ugu daaydaan anshaxa, kala dambaynta, diyaarsanaanta ,dhowrista xeerarka ciidanka iyo ilaalinta hantida Qaranka. Madaxweynaha oo la hadlayay cutubyo ka tirsan guutada ilaalada madaxtooyada 77 ayaa intaa ku daray in xarunta taliska cusub loo diyaariyay qalabkii iyo xarumahii muhiimka u ahaa shaqada waxa dhimanna lasoo dhamaystiri doono isagoo intaa ku daray in Askarigii la yimaadda hawlkarnimo la abaal marin doono. Madaxweynaha Qaranka mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in sanado kahor ay madaxda dalka iyo xarumaha muhiimka ahba ilaalin jireen ciidamo ajanebi ah maantana ay sharaf u tahay in ilaalinta madaxda dalka lagu aamino wiilal Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guutada 77 ku amaanay doorka ay ka qaataan difaaca dalka, isagoo xusay in ururro iyaga kamid ah ay ku maqan yihiin furimaha, wuxuuna ku boorriyay in ay sii laba laabaan dadaalkooda.



