Wararka
Madaxweynaha JFS oo warqdaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Cumaan

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Safiirka cusub ee Saldanadda Cumaan u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Salim bin Habib Al Umairi.
Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu ka siday Suldaanka Saldanadda Cumaan, Suldaan Haitham bin Tariq Al Said, isaga oo muujiyey sida ay hoggaanka iyo shacabka Cumaan u daneynayaan xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Suldaanka garab istaaggiisa shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sido kale Danjiraha cusub u rajeeyey in uu ku guuleysto gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, isla markaana sare u qaado xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan.



