calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.”

Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.”
Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.” — SONNA

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga sifeynayo kooxda Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in guud ahaan dalka laga xoreeyo Khawaarijta, isagoo sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe lagu soo afjarayo argagixisada, isla markaana qorshahaas dhawaan lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed.

"Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta. Dadka Soomaaliyeedna dhowaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa mar kale ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen Khawaarijtu inay isaga soo baxaan, isagoo u ballanqaaday cafis iyo fursad ay dib ugu soo laabtaan bulshada.

"Dhallinyarada ku jirta kooxda argagixisada ee doonaysa inay kasoo noqoto, ha soo noqoto. Cadow idinkama soo horreeyo, mana ceebayn doonno. Kuwii hore uga soo laabtay fikirka qaldan waxay maanta ka mid yihiin hay'adaha dowladda, idinkuna kuwasaa la mid tihiin. Soo noqda," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa hadalladan ka jeediyay munaasabad lagu maamuusay guddigii qabanqaabada iyo howl-wadeennadii doorka weyn ka qaatay diyaarinta iyo hirgelinta munaasabadihii lagu xusay maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka.

La wadaag