Gudaha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray dalka Jabuuti

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana garoonka diyaaradaha ee dalkaasi kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita. iyo sidoo kale Xildhibaano Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalkaasi.
Safarka Guddoomiyaha ayaa ah booqasho rasmi ah oo qaadan doonta afar maalmood, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa, Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa safarka uu maanta ku gaaray wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti waxa uu muhiim u yahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ku dhisan walaaltinimada iyo saaxiibtinimada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, horumarinta iskaashiga labada Baarlamaan, isdhaafsiga khibradaha, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Safarka rasmiga ah ee uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta ku gaaray wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa ku wehliya Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo sidoo kale Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

























