Gudaha
Maareeyaha Guud ee Hay'adda Dhowrista Xogtaha Dadweynaha oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Turkiga

Muqdisho,(SONNA):- Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Mohamed Nur Olow, ayaa ka qeyb galay kulanka labaad ee Guddiga Fulinta ee Islamic Network for Personal Data Protection Authorities (INPDPA), iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ku jira guddiga fulinta ururka.
Kulanka oo ka dhacay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta xeerarka ururka, xoojinta iskaashiga dalalka Islaamka ee dhinaca dhowrista xogta, wadaagga khibradaha, aqoonta, iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhasha tiknoolojiyadda casriga ah iyo amniga macluumaadka.
Mudane Mohamed Nur Olow ayaa sheegay in Soomaaliya ay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta himilooyinka ururka, isagoo adkeeyay muhiimadda ilaalinta xogta iyo xuquuqda muwaadiniinta.









