Gudaha
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO U HAMBALYEEYAY GUDDOOMIYAHA CUSUB EE GOLAHA SHACABKA

Muqdisho(SONNA):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaasi oo ay maanta doorteen Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo Guddoomiha cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay xubnaha Golaha Shacabka ku aamineen ayaa u rajeeyay in uu si hufan oo masuuliyad leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran hoggaaminta Golaha, ilaalinta dastuurka, danta guud qaranka iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay muhiimadda uu Golaha Shacabku u leeyahay dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan sharci-dejinta, matalaadda shacabka iyo xoojinta isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda, isaga oo ku boorriyey Guddoomiyaha cusub in uu hoggaamiyo Golaha Shacabka si waafaqsan Dastuurka, isagoo mudnaanta siinaya midnimada, wada-tashiga iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.



