Gudaha
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA HALGAMAA XAAJI CALI-SHOOCAAC

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Halgamaa Xaaji Cali Cabdille Fiixiye (Col.Cali-Shoocaac), oo ku geeriyooday dalka Kenya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay Marxuum Xaaji Cali halgamaa qaran oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana kaalin muuqata ku lahaa difaaca dalka, adkaynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta qiyamka dowladnimada, isaga oo xusay in marxuumku door wax-ku-ool ah kasoo qaatay marxalado kala duwan oo taariikhda ummadda Soomaaliyeed ku suntan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dambigiisa dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.



