calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB-GALAY XUSKA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB-GALAY XUSKA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB-GALAY XUSKA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED — SONNA

Xayeysiis

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo caawa ka dhacday Masraxa Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay kaalinta muhiimka ah ee macallinka Soomaaliyeed ku leeyahay kobcinta aqoonta, dhismaha garaadka iyo tarbiyadda jiilka soo koraya, kuwaasi oo laf-dhabar u ah mustaqbalka iyo horumarka Qaranka Soomaaliyeed.

"Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macallinka kaasi oo duruufo adag ku shaqeeya, Sidaas awgeed, maanta heer ka fiican heerarkii hore ayay marayaan macallimiintu waxaana looga baahan yahay in ardayga Soomaaliyeed ay maskax ahaan u dhisaan."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta aqoonta, tayeynta xirfadaha iyo dhiirrigelinta macallimiinta, si loo xaqiijiyo ubadka soo koraya uu helaan waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa halbeegyada caalamiga ah.

La wadaag