calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada — SONNA

Baydhabo(SONNA):-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhagax dhigay masjid weyn oo laga dhisayo Aqalka Madaxtooyada Baydhabo.

Masjidkan ayaa loogu talagalay inuu u adeego madaxda, shaqaalaha Madaxtooyada iyo martida booqata, isagoo qayb ka ah qorshaha horumarinta kaabeyaasha Madaxtooyada iyo xoojinta qiyamka diinta Islaamka.

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Gableed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhismaha masjidkan uu ka tarjumayo sida ay dowladdu uga go’an tahay dhiirrigelinta cibaadada, mideynta bulshada iyo dhismaha xarumo tayo leh oo u adeegaya shacabka.

Wasiirka magacaaban ee Wasaarada Warfaafinta ahna Wasiirkii Hore Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Nuur Siidow Baaba iyo wasiirka cusub Wasaarada Diinta  Mudane Aadan Macalin Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyey hirgelinta mashruucan muhiimka ah, iyagoona muujiyey rajada ay ka qabaan inuu noqdo goob lagu xoojiyo cibaadada, wacyigelinta iyo midnimada bulshada

FB_IMG_1783931061475.jpg



         

FB_IMG_1783931064000.jpgFB_IMG_1783931066135.jpg

               

FB_IMG_1783931061475.jpg

La wadaag