Wararka
Hoggaamiyaha Hirshabeelle oo Jowhar kusoo dhaweeyay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Jowhar(SONNA);- Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Aadan Maxamed Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Ujeedka safarkooda ayaa ah ka qeybgalka munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka Dowladda Hirshabeelle.
Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa uga mahadceliyay Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed booqashadiisa iyo imaanshihiisa caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar.
Sidookale waxaa jowhar gaaray madax kala duwan oo heer fadaraall iyk heer dowlad goboleed isugu jira diblomaasiyiin ka socota safaradaha caalamka iyo marti sharaf kale.






