Gudaha
Heshiis lagu xoojinayo iskaaahiga amniga xuduudaha oo lagu gaaray degmada Balanbale

Muqdisho,(SONNA):- Saraakiisha Ciidamada Qaranka ee k howlgala deegaanada Galmudug iyo kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa maanta degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ku gaaray heshiis lagu xoojinayo amniga xuduudaha iyo iskaashiga labada dhinac, si looga hortago hubka sharci-darrada ah iyo falalka amni-darrada.
Madasha heshiiska waxaa goobjoog ahaa Taliyaha NISA ee Qeybta Galmudug, Taliyaha CID ee Qeybta Galmudug, maamullada degmooyinka Guriceel iyo Balanbale, masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug iyo odayaasha dhaqanka.
Heshiiskan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadda deegaannada xuduudda ah, halkaas oo mararka qaar ay ka dhacaan colaado sokeeye.
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa toddobaadyo ka hor degmada Balanballe ka bilaabay qorshaha ay maanta xoojiyeen saraakiisha ka socotay dowlad deegaanka Soomaaliya, kaas oo lagu soo afjarayo colaadihii sokeeye iyo kala gudbinta hubka sharci darada ah.
Taliye Mahad Salaad ayaa saraakiisha Ciidamada Qaranka faray in la dardar-geliyo hirgelinta heshiisyada nabadeed iyo howlaha lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaas, waxaana lagu guuleystay dhaqan-gelinta amarkii Taliyaha.












