calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo diiday sheegashooyinka ah in Argagixisadu dalka la wareegeyso (WARBIXIN)

Dood Cilmiyeedka ka qabsoontay Magaalada Muqdisho waxaa marti ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wuxuuna xoogga saaray lahaanshaha ammaanka ee Dadweynaha.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo diiday sheegashooyinka ah in Argagixisadu dalka la wareegeyso (WARBIXIN)
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo diiday sheegashooyinka ah in Argagixisadu dalka la wareegeyso (WARBIXIN) — SONNA

Dood Cilmiyeed ku saabsan ‘waxa hortaagan in ay xoogeysato dowladnimada Soomaaliya’’ ayaa in lagu qabto Magaalada Muqdisho,gaar ahaan xarunta Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istiraatiijiyadda. Dood cilmiyeedkaan oo ay ka qeybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, aqoonyahanno ka socda Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istiraatiijiyadda (HISS), waxaa aad loo lafaguray mowduuc aad u ballaaran oo ah ‘sababaha hortaagan in la helo dowlad sal adag’, dhibaatooyinka jira iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo wax kasta oo caqabad ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Dood Cilmiyeedka ka qabsoontay Magaalada Muqdisho waxaa marti ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wuxuuna xoogga saaray lahaanshaha ammaanka ee Dadweynaha, isagoo ku dooday in la dagaalanka Argagixisadu aanu kaliya aheyn iska horimaad u dhexeeya dowladda iyo kooxaha Argagixisada, islamarkaana waxa uu diiday sheegashooyinka ku saabsan suurtagalnimada in kooxaha Argagixisada ay la wareegaan maamulka dowladda, isagoo sheekadaas ku tilmaamay “cudur-daar caqli- la’aan ah” oo ku socota dadweynaha Soomaaliyeed.

Hadallo uu khamiistii ka jeediyey dood ay martigelisay Machadka Sare ee Amniga iyo Daraasaadka Istiraatiijiga (HISS) oo ka dhacay caasimadda Muqdisho, Cabdiqaadir wuxuu sheegay in sheegashooyinku hoos u dhigayaan awoodda hay’adaha Soomaaliya. Sida ay qortay Warbaahinta :TRT Afrika Dalalka ciidamadooda ku biiraya howlgallada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AU) ee Soomaaliya ayaa bilaabay inay ka baxaan dalka, iyadoo mas'uuliyiinta Soomaaliyeed ay sheegayaan in loo baahan yahay in ay kaalin badan ka qaataan arrimaha amniga gudaha.

Doodda guddiga, oo lagu qabtay ayaa mowduucu ahaa: “Maxaa ka hor istaagaya in Dawladda Soomaaliya ay xoogaysato?” ayaa baaray caqabadaha hortaagan habka dhismaha dowladda dalka, oo ay ku jiraan maamul, amni iyo kalsoonida shacabka ee hay'adaha dowliga ah. “Mararka qaar waxaan maqlaa dad sheegaya in qof walba carari doono iyo in rag ka soo baxay kaynta (argagixisada) ay dadka ka eryi doonaan. Hadalka noocaas ah waa mid ku xadgudbaya garaadka dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdulkadir.

Abdulkadir wuxuu xoogga saaray lahaanshaha ammaanka ee bulshada, isagoo ku doodaya in dagaalka ka dhanka ah argagixisada aan lagu fahmi karin kaliya sida iska horimaad u dhexeeya dowladda iyo kooxaha Argagixisada. “Amniga wuxuu ka tiirsan yahay dadka Soomaaliyeed. Waxaa maalgelisa canshuurtooda, waana in lagu sii hayaa xooggooda mideysan.”

Muddo ka badan toban sano, qaar kamid ah falanqeeyayaasha amniga ee ku kala sugan dibadda iyo gudaha dalka, waxay si joogto ah u dhayalsanayeen adkaysiga shacabka iyo kartida Ciidamada Amniga Soomaaliyeed, waxayna qaadanayeen, qaybna ka ahaayeen, kas iyo kama’ba, sheekada kooxda Argaggixisada Alshabaab, iyaga oo dhowr jeer saadaaliyay in caasimadda dalka ee Muqdisho ay ku dhacayso gacanta kooxda.

Wasiirku sidoo kale wuxuu dhaleeceeyay dadka u isticmaala danaha siyaasadda iyo cabashooyinkooda, si ay u faafiyaan sheekooyinka burburka qaran ama in kooxo Argagixiso ay soo weerari doonaan. Wasiirku waxa uu xusay in saadaasha la midka ah ay soo baxayeen marar badan tan iyo 2010-kii, wuxuuna ku booriyay dadka Soomaaliyeed inay kalsooni ku qabaan hay’adaha ammaanka ee dalka.

Warbaahinta iyo xarumaha falanqaynta ee reer Galbeedku waxay soo saareen warbixinno iyo saadaallo isdabajoog ah oo u janjeeray dhinaca Argaggaxisada, kuna doodayay in dowladda Soomaaliya ay ku dhowdahay inay gebi ahaanba meesha ka baxdo. Wargeyska caanka ah ee The New York Times ayaa 24 August 2010-kii baahiyay warbixin aad u faaftay oo uu qoray suxufiga caanka ah ee Jeffrey Gettleman. Warbixintaas waxa cinwaan looga dhigay: “At Least 30 Killed in Attack on Hotel in Somalia”.

Haddaba, kadib sannad xiriir ah oo uu dagaal ba’ani socday, 06 August 2011-kii, Warbaahintii reer Galbeedka iyo Wariyayaashii Afkooda ku saadaalinayay in Muqdisho lala wareegayo, oo Jeffrey ugu horreeyay, ayaa gacmahooda ku qoray kuna baahiyay in kooxda Al-Shabaab gebi ahaanba laga saaray caasimadda dalka ee Muqdisho.

Tan iyo xilligaas, waxaa muuqata in aaney cashar ka qaadan dhacdadaas, welina ay ku taagan yihiin dhabbadii khaldanayd. Si kastaba ha ahaatee, masiirka iyo amniga Soomaaliya kuma xirna saadaalaha Miisaska dushooda lagu qoro ee danaha dhaqaale laga leeyahay, waxayse ku xiran yihiin dhiigga iyo geesinimada Ciidamada Amniga Qaranka iyo go’aanka aan la loodin karin ee shacabka Soomaaliyeed.

La wadaag