Wararka
Hantidhowrka Qaranka oo Xukuumadda u jeediyey warbixinta baarista maaliyadeed ee 2024-2025
Warbixinta ayaa diiradda saaraysa kormeerka hay’adaha dowladda ee u hoggaansanka sharciga

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta Kulanka Golaha Wasiirrada ka jeediyey warbixin ku saabsan hawlaha Baarista Hantidhowrka ee sannadaha 2024 iyo 2025, natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay, arrimaha u baahan jihayn iyo tallaabooyin maamul.
Hantidhowraha Guud waxa uu Golaha la wadaagay horumarka laga gaaray ee ballaarinta baaxadda baarista, kororka warbixinnada la soo saaray, iyo gudbinta warbixinnada sanadlaha ah ee muddada uu sharcigu dhigayo.
Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda dardargelinta fulinta talo-bixinnada baarista, xoojinta awoodaha Saraakiisha Idman, soo saarista habraac mideysan oo lagu maamulayo xilwareejinta hay’adaha dowladda, sare-u-qaadidda isla-xisaabtanka mashaariicda, iyo xoojinta hubinta adeeg-bixiyeyaasha la shaqeeya mashaariicda dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Hantidhowraha Guud warbixinta uu Golaha la wadaagay, isaga oo adkeeyay muhiimadda fulinta talo-bixinnada baarista, xoojinta maamulka maaliyadda guud, iyo in hay’adaha dowladda ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah wax-ka-qabashada arrimaha la soo bandhigay.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in natiijooyinka baarista loo beddelo tallaabooyin maamul oo la fulin karo, si loo ilaaliyo hantida qaranka, loo xoojiyo isla-xisaabtanka, loona horumariyo tayada adeegyada dadweynaha.
Ugu dambeyn, Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu bogaadinayaa ansixinta Hindise-Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, oo ka mid ah arrimaha uu Xafiisku hore ugu soo jeediyey talo ahaan. Xafiisku waxa uu Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada uga mahadcelinayaa meel-marinta hindise-sharciyeedkan iyo dadaalka ay ku xoojinayaan maamulka dakhliga, hufnaanta maaliyadeed iyo isla-xisaabtanka.


