Gudaha
Hantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnada baaritaannada Hay’adaha DFS

Muqdisho(SONNA);-Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay warbixinnada baaritaannadii uu sanadkan ku sameeyay hay’adaha dowladda.
Warbixinnada ayaa lagu soo bandhigay natiijooyinka baaritaannada iyo xogo la xiriira habka hay’adaha dowladda u maareeyeen heshiisyada, iibka, deeqaha, maamulka iyo arrimaha maaliyadeed.
Hantidhawrku wuxuu tilmaamay in baaritaannada lagu ogaaday khaladaad iyo habacsanaan ka jira qaar ka mid ah habraacyada maamul iyo maaliyadeed, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto, lana xoojiyo hannaanka isla-xisaabtanka iyo maamul-wanaagga.
Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa sidoo kale warbixinnadan u soo bandhigay si loo helo xog cad oo ku saabsan sida loo maareeyo hantida iyo dhaqaalaha dowladda, loona dhiirrigeliyo hay’adaha dowladda inay u hoggaansamaan shuruucda iyo habraacyada maaliyadeed ee dalka.



