Gudaha
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu hambalyeeyey Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo maanta loo doortay doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha Cusub iyo xubnaha Golaha Shacabka in ay sii ambaqaadaan hannaanka ka waajib gudashada shuruucda dalka iyo shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.
Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyey wadashaqaynta Guddoomiyii hore ee Golaha Shacabka iyo doorkii xilkasnimada lahaa ee ay uga wadashaqeeyeen shuruucda dalka, kor-joogtaynta, isla-xisaabtanka, arrimaha dowlad-dhiska iyo shaqooyinkii kale ee muhiimka ahaa.



