Gudaha
Guddoomiyaha la doortay ee Golaha shacabka oo khadka Taleefanka kula hadlay Dhiggiisa Dalka Jabuuti

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac), oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Jabuuti Dileita Maxamed Dileita ayaa kaga mahadceliyay hambalyada iyo bogaadinta qiimaha leh ee uu ii soo gudbiyey, iyo dareenka walaaltinimo ee uu ila wadaagay.
" Waxaan khadka taleefanka kula hadlay walaalkey, Mudane Dileita Maxamed Dileita, Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti".
Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ayaa maanta Cabdiqaadir Maxamed Nuur u doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo balan qaaday in uu si cadaallad u hoggaamin doono golaha.
Mahadsanid Mudane Guddoomiye.
La wadaag



