Gudaha
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kormeertay goobta loo diyaariyey doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha KMG ah, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), ayaa maanta kormeer ku tagtay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd hubinta diyaar-garowga goobta, habraacyada doorashada iyo agabka loogu talagalay in lagu howlgalo maalinta doorashada, si loo xaqiijiyo in dhammaan howlaha doorashadu ay u dhacaan si habsami leh, hufan oo waafaqsan habraacyada iyo xeerarka u degsan Golaha Shacabka.
Mas’uuliyiinta ayaa intii uu kormeerku socday soo indha-indheeyey qeybaha kala duwan ee goobta, iyagoo qiimeeyey diyaar-garowga farsamo iyo hab-maamuuska la xiriira qabsoomidda doorashada, gaar ahaan nidaamka cod-bixinta, goobaha ay ka howlgeli doonaan Guddiga Doorashada iyo agabka loo diyaariyey xildhibaannada.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in doorashadu u dhacdo si hufan, caddaalad ah oo xasilloon, isla markaana waafaqsan xeerarka iyo habraacyada Golaha Shacabka.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashadu ku qabsoonto jawi ammaan ah, nidaamsan oo hufan, isla markaana la diyaariyey dhammaan agabka iyo habraacyada lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.






