Wararka
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo shir uga qaybgalaya dalka Masar
Shirkan waxaa lagu wadaagayaa khibradaha iyo farsamooyinka muhiimka ah ee doorashooyinka Afrika

Sharma El-Sheikh (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa magaalada Sharma El-Sheikh ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar kaga qayb galay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika.
Madashan oo ay isugu yimaadeen madaxda Guddiyada Doorashooyinka dalalka Afrika ayaa sanadkan diiradda lagu saaray sidii muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku nool dalalka dibadda loogu suurtagelin lahaa inay ka qayb qaataan doorashooyinka dalalkooda. Qodobbada muhiimka ah ee laga dooday waxaa ka mid ahaa diyaarinta shuruucda lagama maarmaanka u ah hirgelinta codbixinta qurbo-joogta iyo hababka farsamo ee u sahlaya inay codkooda ka dhiibtaan safaaradaha iyo qunsuliyadaha dalalkooda ee ku yaalla waddamada ay deggan yihiin.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee leh qurbo-joogta ugu badan ee ku nool daafaha caalamka. Ka qayb galka madashan wuxuu muhiim u yahay dadaallada Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee lagu diyaarinayo hannaan hufan oo u sahla muwaadiniinta Soomaaliyeed ee qurbo-joogta ah inay ka qayb qaataan doorashooyinka mustaqbalka.
Intii uu ku sugnaa Sharma El-Sheikh, Guddoomiyaha Guddiga wuxuu sidoo kale ka qayb galay shirka Guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka Afrika, halkaas oo lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalalka Afrika.
Guddoomiyaha ayaa madasha ka jeediyay warbixin ku saabsan horumarka doorashooyinka Soomaaliya, isagoo si gaar ah uga hadlay doorashooyinkii Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo tallaabooyinka ay Soomaaliya qaaday si loo xoojiyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.








