Wararka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya
Guddoomiye Muungaab oo uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Türkiye taageerada ay u fidiyaan Soomaaliya

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Talaadada maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Türkiye, Danjire Ferhat Alkan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka socda hay’adda Hasene oo ka shaqeysa arrimaha Bini-aadinimada. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan horumarinta magaalada Muqdisho iyo adeegyada bulshada.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Türkiye taageerada aan liicin ee ay u fidiyaan Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dal, si loo dardargeliyo dadaallada horumarineed iyo adeegyada muhiimka u ah bulshada Gobolka Banaadir.
Danjire Ferhat Alkan ayaa dhankiisa muujiyay sida ay Türkiye uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iyo sii ambaqaadidda taageerada iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo adeegyada bulshada.



