Wararka
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay booqasho ay ku timid Ruth Anne Steven Klitz oo ah Ku-xigeenka, isla markqana ah ku-simaha Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dal. Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadlay doowrka muhimka ah ee dalka Mareykanka ka qaato taabagalinta amniga dalka iyo la-dagaalanka kooxaha nabad diidka ee argagaxisada sida Al Shabaabka.
Kunka waxaa sidoo kale laga hadlay guud ahaan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Mareykanka.






