calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa la wareegtay daawo iyo agab caafimaad oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee dalka kusoo laabanaya, si wax looga qabto baahiyahooda caafimaad.

Daawooyinkan oo ka kooban in ka badan 2,500 kun oo qaybood ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Liibaan Cabdi Cigaal, waxaa ku wareejiyay Ururka Isbitaallada Gaarka loo leeyahay iyo Ururka Ganacsatada Daawoleyda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Liibaan Cabdi Cigaal, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isku filanyihiin, isla markaana ay muhiim tahay in si gaar ah loo garab istaago dadka nugul.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in daawooyinkani wax badan ka tari doonaan xaaladda caafimaad ee dadka dalka dib loogu soo celinayo, ayna kusoo beegmeen xilli ay baahi weyn u qabeen.

La wadaag