Wararka
Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo gaaray Muqdisho si ay uga qeybqaataan Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha oo berri furmi doona.
Wafdiga waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Danjire Hodan Osman Abdi, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Shirweynahan ayaa isu keeni doona Ganacsatada, maalgashadayaasha, shirkadaha iyo Wakiillada dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha, si ay uga wada hadlaan fursadaha Ganacsi, maalgashi iyo iskaashi, isla markaana loo abuuro xiriirro Ganacsi oo toos ah iyo fursado cusub oo Ganacsi oo u dhexeeya labada dal.










