calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Guddiga u diyaargarowga ka hortagga saameynta El Niño oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay

Guddiga u diyaargarowga ka hortagga saameynta El Niño oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay
Guddiga u diyaargarowga ka hortagga saameynta El Niño oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay — SONNA

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa furay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Farsamada (Technical Working Groups, TWGs), kaas oo Wasaaraddu martigelisay, laguna sii ambaqaaday go’aannadii kasoo baxay Kulankii Qaran ee Isku duwidda u diyaargarowga saameynta El Niño 2026 ee ka qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Wasiirka ayaa furitaanka kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan iskaashi dhow iyo qorshe mideysan oo lagu wajahayo khataraha ka dhalan kara ifafaalaha El Niño, si loo yareeyo saameynta uu ku yeelan karo bulshada iyo tiirarka dhaqaalaha dalka.

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen xubnaha Guddiga Farsamada oo ka kooban 15 hay’adood oo heer federaal ah ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta Qorshaha Qaran ee u diyaargarowga iyo yaraynta khatarta El Niño, si loo xoojiyo isku duwidda hay’adaha dowladda loona yareeyo saameynta ka dhalan karta khatarta.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay diyaarinta qodobbada hordhaca u ah qorshaha qaran, iyadoo la isku afgartay in la qabto kulan kale oo lagu dhamaystirayo qorshaha mideysan ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo loona dhaqan geliyo.

La wadaag