Wararka
Guddiga qaban qaabada toddobaadka xorriyadda oo kormeeray goobaha taariikhiga ee dalka

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga qaban-qaabada toddobaadka xorriyadda iyo midnimada oo dardar-gelinaya u diyaargarowga xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka iyo 1-da Luulyo ayaa caawa kormeer ku tegay qaar ka mid ah goobaha taariikhiga ah, kuwaas oo dayactir lagu sameeyay.
Xubnaha Wasiirada ee Guddiga uu ka kooban yahay ayaa tegay Taallada " Xaawo Taako", halkaas oo ay warbaahintu kula hadleen, iyagoo qiray shacabka Soomaaliyeed si weyn uga qeyb qaadanayaan diyaargarowfa maalmaha xorriyadda.
Wasiirka Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida waanaagsan ay uga qeyb qaadanayaan u diyaargarowga maalmaha xorriyadda ee foodda nagu soo haya.
" Waxaan si weyn ugu mahadcelinaa Shacabka Soomaaliyeed sida ay uga qeyb qaadanayaan u diyaargarowga maalmaha Xorriyadda Dalka,".
Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdifitaax Khaasim ayaa tilmaamay in ay Dowladdu door weyn ka qaadneyso sidii maalmaha xorriyadda dalka dhan looga xusi lahaa.
"Wasiir Cabdifitaax Qaasim "Dowladdu waxay door weyn ka qaadanee sidii maalmaha xorriyadda u noqon lahaayeen kuwo Dalka oo dhan laga xuso".
Wasiirka Gaashaandhiga XFS Ahmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada Xuska maalmaha xorriyadda ayaa dhankiisa sidan yiri" Waxaa jira kuwo ku mashquulsan inay dalka kala gooyaan damacooda cid ka yeeleysa ma jirto"
Ugu dambeyn, Wasiirka Qoyska iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Khadiija Al Makhzoumi ayaa hoosta ka xariiqday in dayactir lagu sameeyay taallada " Xaawo Taako", oo ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee dalka.
"Waxaan dayactir ku sameynay Taalada Xaawo Taako, sidoo kale waxaan qurxin doonaa goobaha taariikhiga ah ee magaalada Muqdisho".



