Gudaha
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo kulan la qaatay beesha caalamka

Muqdisho,(SONNA):- Gudoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, oo ay waheliyaaan xubno ka tirsan Guddiga Cabdi Cadow,Maxamed Amiiin Xasan iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga Xuseen Nuunow Cali ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha calamka.
Kulankan xogsiinta ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirada wadamada Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Turkey, Ethopia, Kenya, Sudan iyo Masar, sidoo kale Xubno ka socday hay’adaha caalamiga sida Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashi Islaamka ayaa looga hadlay ariimaha Doorashooyinka.
Gudoomiyaha Guddiga Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ugu horreyn khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qobsoomay Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ay ugu muhiimsanaayeen Doorashooyinki Golaha Deegaanka ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, iyo Doorshooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Degeenka iyo Golaha Wakiilada ee ka qabsoomay Dawlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Doorashooyinka isku-sidkan ee qorsheysan inay ka qabsoomaan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.
Gudoomiyah ayaa sheegay in Geedi-socodka Doorashada qof iyo Cod uu si wanagaasan dalka uga hirgalay islamarkaan dadka Soomaaliyeed ay fursad u heleen kudhawaad muddo kusiman 57 sano inay dootaan wakiiladooda kumatalayo siyaasada heerarkeda kala duwan.
Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka oo iyaguna dhankooda su’aalo iyo hadalo kajeediyay kulanka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod.
Waxay sidoo kale xaqiijiyeen inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaan dimuqraadi ah oo awoodda doorashada dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay Guddiga kala shaqeynayaan hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo lagu kalsoonaan karo.






























