Gudaha
Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa magacaawday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddigan oo ka kooban 9-xubnood, ayaa loo xushay in ay maamulaan habsami-u-socodka doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, si loo xaqiijiyo hufnaan, daahfurnaan iyo ku dhaqanka Dastuurta iyo xeer-hoosaadka golaha.


La wadaag



