Wararka
Fanaaniinta Hobollada Qaranka oo Muqdisho ku soo bandhigay heeso waddani ah

Guddiga qaban-qaabada toddobaadka xorriyadda iyo midninada ayaa galabta kormeer ku tagay fagaaraha daljirka daahsoon oo ay Kooxda Hobollada Waabari ku soo bandhigeysay heeso waddani ah.
Kooxda fanaaniinta Hobollada Waabari ayaa fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boobdheere ku soo bandhigay heeso iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo madaxdii iyo dadkii u daawasho tegay ay u riyaaqeen, waxayna inta badan heesaha goobta laga qaadayay ka tarjumayeen muhiimadda xorriyadda iyo midninada dalka.
Sidoo kale, Kooxaha Fanka ee Kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka Kooxda Fanka Danan ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Kooxda Hiddo ayaa maanta goobo kala duwan ka tirsan dagooyinka Hodan Boondheere Wartanabadda iyo Cabdulcasiis kusoo bandhigay badhig Faneedyo dadweynaha Soomaaliyeed lagu Baraarujinayo Qiimaha ay leedahay Xorriyadda.
Barnaamijkaan oo Qeyb ka ah Olole ballaaran oo uu Guddiga ee Qaran ee Qabanqaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda Sandguurada 66-aad ee ka soo wareegatay markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taagay Ciidda Soomaaliya uu ka wadaga dhammaan dogooyinka Gobalka Banaadir.














