Wararka
Dekadda Muqdisho oo kaalin ka qaadanaysa kordhinta Dakhliga gudaha
Dekadda ayaa dhowaan kordhisay saacadaha shaqada, si sare loogu qaado adeegeeda.

Muqdisho (SONNA): Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa ka qeybgalay barnaamij looga hadlayay kaalinta Dekedda Muqdisho ee kobaca dakhliga gudaha Soomaaliya.
Barnaamijka waxaa sidoo kale ka qeybgalay boqolaal marti sharaf ah, kuwaas oo Maareeyaha weydiiyay su’aalo kala duwan.
Dekadda Muqdisho ayaa sanadihii dambe samaysay horumar weyn oo ah xagga wax dhoofinta iyo soo dejintaba, iyadoo kaalin sare ka gashay qiimaynta laga sameeyey Dekadaha Afrika.








La wadaag



