Gudaha
Danjire Hodan oo Tokyo kula kulantay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Japan

Tokyo,(SONNA):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Japan (aan degganeyn) Amb. Hodan Cusmaan Cabdi, oo uu wehelinayo Qunsulka Koowaad ahna Ku-xigeenka Safiirka, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Kodar, ayaa magaalada Tokyo ee dalka Japan kulamo kala duwan kula
yeelatay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Japan, hay’adaha horumarinta, Shirkadaha iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Japan.
Danjire Hodan, ayaa kulan la qaadatay Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika ee Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Japan (JICA), Mudane Iwama, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga horumarineed, tababarrada iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowladda, iyo taageerada Japan ay siiso Soomaaliya.
Waxay sidoo kale kulan la yeelatay Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Japan, Marwo Takahashi, halkaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal.
Dhinaca dhaqaalaha, Danjire Hodan ayaa la kulantay Madaxa Waaxda Afrika ee Shirkadda Toyota Tsusho Corporation, Mudane Fujita. Kulanka ayaa looga hadlay is-beddelka dhaqaale ee ka muuqda Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyo sidii shirkadaha Japan ay door muuqda uga qaadan lahaayeen horumarinta dhaqaalaha dalka.
Danjire Hodan ayaa sidoo kale kulan kooban la yeelattay xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee muddo dheer ku nool Japan, iyadoo kala hadashay horumarka dalka, fursadaha cusub ee iskaashiga Soomaaliya iyo Japan, isla markaana uga mahadcelisay kaalinta ay jaaliyaddu ka qaadato adkaynta xiriirka labada dal.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Japan, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, ganacsiga iyo maalgashiga.







