Wararka
Danjirahii hore ee Soomaaliya dalka Marocco xilka ku wareejiyay ku simahii Safiirka

Rabat-(SONNA)-Danjirihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiyay Boqortooyada Morocco, Danjire Salaad Cali Ibraahim (Catoosh), ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Siihayaha Safaaradda ahna Lataliyaha Koowaad, Mudane Cabdifataax Siciid Caynab.
Danjire Salaad, ayaa uga mahad celiyay dhammaan diblomaasiyiinta iyo guud ahaan howlwadeennada Safaaradda wada shaqayntii wanaagsanayd muddadii uu xilka hayay, wuxuu u rajeeyey Siihayaha cusub iyo guud ahaan bahda Safaaradda guul iyo in ay sii laba jibaaraan shaqada iyo waajibaadka qaranka.
Dhanka kale, Siihayaha Safaaradda, ayaa uga mahad celiyay Danjirihii hore, dadaalkii iyo waxqabadkii uu muujiyay muddadii uu xilka hayay, isaga oo Danjiraha u rajeeyey Guul iyo Horumar.
Wuxuu intaa ku daray in uu dadaalka halkaa ka sii wadi doono isaga oo kaashanaya diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda.



