calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Danjiraha cusub ee Nigeria u soo magacaawday Soomaaliya oo booqday safaaradda JFS ee Nairobi

Danjiraha cusub ee Nigeria u soo magacaawday Soomaaliya oo booqday safaaradda JFS ee Nairobi
Danjiraha cusub ee Nigeria u soo magacaawday Soomaaliya oo booqday safaaradda JFS ee Nairobi — SONNA

Nairobi,(SONNA):- Danjiraha dalka Nigeria ee dhawaan loo soo magacaabay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danlami Ibrahim, ayaa maanta booqasho sharafeed ku tegay Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Nairobi, Kenya.

Waxaana Xarunta safaaradda si diirran ugu soo dhaweeyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, iyadoo kulanka labada dhinac diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria.

Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee labada dal, isagoo adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii ambaqaadidda iskaashiga kala dhexeeya Nigeria, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, Waxbarashada, ganacsiga, iyo horumarinta awoodaha hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Danjire Danlami Ibrahim ayaa muujiyay sida ay Nigeria uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo wada shaqeynta labada dal, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo horseeda danaha iyo horumarka labada shacab.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria.

La wadaag