Gudaha
Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgalka lagu bartilmaameedsaday Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Duqeymaha ayaa lagu dilay 26 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaari Cabdibile ah iyo booyad shidaal oo ay Khawaarijtu u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo fulinta falalka argagixisanimo.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku baacsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta weerarrada argagixisanimo.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.



