Wararka
Ciidamada NISA oo howlgal lagu Khaariyay Horjoogayaal sare ka fuliyay Hirshabeelle

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ku khaarijiyay 19 dhagar-qabe iyo horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo ku howlanaa abaabulka maleeshiyaad, kaydinta hubka iyo qorsheynta falal argagixiso oo lagu dhibaateynayay shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Geel-gub, oo hoos taga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo Khawaarijtu ku uruurinaysay maleeshiyaad loo diyaarinayay fulinta falal argagixiso. Weerarro is xigay oo lagu bartilmaameedsaday goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen ayaa lagu khaarijiyay 12 dhagar-qabe, waxaana lagu burburiyay fariisimihii iyo gabaadyadii ay kooxda u adeegsaneysay abaabulka iyo diyaarinta weerarrada.
Dhanka kale, howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu burburiyay xarun ay Khawaarijtu u adeegsaneysay kaydinta hubka laga soo uruurin jiray Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Howlgalkaas waxaa lagu khaarijiyay toddobo dhagar-qabe oo uu ku jiray Horjooge Faaruuq oo qaabilsanaa Kaydka hubka, waxaana sidoo kale lagu gubay hubkii iyo agabkii yaallay xaruntaas, oo ay ka mid ahaayeen labo Cabdi Bile, Nooho iyo labo Mooto.
Howlgalladan waxay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu beegsanayo horjoogeyaasha, xarumaha iyo sahayda Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.



