Gudaha
Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS

Muqdisho(SONNA);-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS, isagoo helay 142 cod.
Halka Xildhibaan Cabdiqaadir Cumar Macallin, oo ahaa musharraxii la tartamay, uu helay 30 cod.
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay codka ay siiyeen, isagoo ballanqaaday in Golaha uu ku hoggaamin doono siyaasad xasilloon iyo wadajir.
“Golaha Shacabka waxaan ku hoggaamin doonaa siyaasad xasilloon iyo wadajir,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
La wadaag



