Gudaha
Bayaan ku Saabsan Ilaalinta Qoondada 30% ee Haweenka ee Doorashada Galmudug

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ugu baaqday dhammaan ururada siyaasadda ee ka qeyb galaya doorashada ka dhaceysa Dowlad Gobolleedka Galmudug in ay xaqiijiyaan ilaalinta iyo hirgelinta qoondada haweenka ee ugu yaraan 30%, marka ay ka soo xulayaan musharaxiintooda.
ka qeyb galka haweenka ee siyaasadda iyo go'aan qaadashada waa xuquuq dastuuri iyo waajib qaran. Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu xaqiijinayaa sinnaanta muwaadiniinta iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay si buuxda uga qeyb qaataan arrimaha siyaasadda iyo hoggaanka dalka.
Halkan hoose ka akhriso Bayaanka la soo saaray:-


La wadaag



