calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Arday deeq waxbarasho ka heshay Shiinaha oo laga sagootiyay Muqdisho

Arday deeq waxbarasho ka heshay Shiinaha oo laga sagootiyay Muqdisho
Arday deeq waxbarasho ka heshay Shiinaha oo laga sagootiyay Muqdisho — SONNA

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Axmed Xasan Aadan , ayaa maanta kulan sagootin iyo dardaaran ah u sameeyay 21-kamid ah howlwadeennada Wasaaradda oo ku guuleystay deeq waxbarasho oo ay Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha siisay.

Howlwadeennadan ayaa waxbarashadooda sare ka bilaabi doona jaamacado kala duwan oo ku yaalla dalka Shiinaha, iyagoo baran doona culuumo door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta kalluumeysiga, dhaqaalaha buluugga iyo kobcinta awoodda hay’adaha dowladda.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay ardayda inay si hufan uga faa’iideystaan fursaddan waxbarasho, una heelanaadaan aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka heli doonaan dalka Shiinaha, si ay ugu soo laabtaan dalka uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga.

Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa xusay in maalgelinta aqoonta iyo tayeynta xirfadaha shaqaaluhu ay laf-dhabar u yihiin horumarka hay’adaha dowladda iyo xaqiijinta himilooyinka Wasaaradda.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga, ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta awoodda shaqaalaha, waxbarashada iyo iskaashiga labada dal. wuxuu xusay in deeqdan waxbarasho ay ka tarjumeyso xiriirka wanaagsan iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

La wadaag