Gudaha
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo Shaaciyay Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad

Muqdisho(SONNA);-Agaasinka Guud ee Waxbarashada Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, kaas oo ay sannadkan u fariisteen in ka badan 45,000 oo arday oo wax ka barta dugsiyada Gobolka Banaadir.
Sannadkan waxaa hoos u dhacay tirada ardayda ku dhacday imtixaanka, iyadoo ay ku dhaceen 1,435 arday, taasoo celcelis ahaan u dhiganta 3.2%, halka ay baaseen ama gudbeen 44,017 arday, sida lagu sheegay xogta natiijada la shaaciyay.
Kaalinta koowaad ee Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir waxaa gashay Sumayo Xasan Abshir Aadan, halka kaalinta labaad ay gashay Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed. Kaalinta saddexaad waxaa galay Axmed Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdi.
Ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaanka ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinno lagu dhiirrigelinayo dadaalkooda iyo guusha ay ka gaareen waxbarashada.
Munaasabadda lagu shaaciyay natiijada ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Agaasinka Waxbarashada Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bahda waxbarashada, kuwaas oo hambalyo u diray ardayda ku guuleysatay imtixaanka, iyagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.



