Gudaha
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Madaxa IOM ee Soomaaliya

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Maxamed Xasan Shire ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxa Xafiiska IOM ee Soomaaliya, Mudane Manuel Pereira, si loo xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo IOM.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray maamulka socdaalka, ka hortagga tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah, iyo kor u qaadidda wacyigelinta bulshada ee ku saabsan khataraha tahriibka. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay taageeridda dadaallada xasilinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada, dib u soo kabashada bulshada, iyo xoojinta amniga dalka.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii ambaqaado wada shaqeynta iyo hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo taageeraya amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.







