calendar_todaydevice_thermostatโ€ฆ
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Š๐š ๐๐š๐ฒ๐› ๐†๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฅ ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Š๐š ๐๐š๐ฒ๐› ๐†๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฅ ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ ๐š๐ก  ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š
๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Š๐š ๐๐š๐ฒ๐› ๐†๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฅ ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š โ€” SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Nouakchott ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania uga qayb galay Madasha heer gobol ee Maalgashiga Caafimaadka.

Madasha oo ay isugu yimaadeen madaxda caafimaadka Gobolka, hayโ€™adaha caalamiga ah, iyo daneeyayaasha maalgashiga caafimaadka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, maalgashiga caafimaadka iyo dhisidda nidaamyo caafimaad oo adkaysi leh.

Wasiirka ayaa hadal uu ka jeediyay dood heer wasiir ah oo looga hadlayay iskaashiga South-South Cooperation kusoo bandhigay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habaynta iyo horumarinta nidaamka caafimaadka, isagoo adkeeyay muhiimadda iskaashiga gobolka, horumarinta wax-soo-saarka dawooyinka, iyo maalgelinta waarta ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka si loo gaaro caafimaad loo siman yahay.

Kulanka wasiirka waxaa ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Algeria iyo Mauritania Amb. Yusuf Ahmed Hassan (Jeego) iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo kan gobolka looguna qareemayo kor u qaadidda maalgashiga caafimaadka dalka.

La wadaag