Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ oo ๐๐๐๐ฐ๐ ๐ฅ๐ caweeyay ๐ฌ๐ก๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐ง๐จ๐จ๐

Laascaanood,(SONNA):-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo u joogo magaalada Laasacaanood ee xarunta Waqooyi Bari ayaa shacabka kula caweeyay magaaladaasi, isaga oo ku dhex lugeeyey goobaha
ganacsiga, kuwa lagu caweeyo iyo laamiga weyn ee magaalada dhex maro.
Dadweyne aad u tiro badan ayaa goobahaasi soo buux dhaafiyey, iyaga oo si diiran, mashxarad iyo marxabeynleh u soo dhaweyey inta uu socdaalka ku jiray.
Socdaalka waxaa ku wehliyey Raโiisul Wasaaraha xubno ka mid ah Dowladda Federaalka, iyo Hoggaamiyaha Waqooyi Bari Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali iyo warbaahinta Dowladda iyo kuwa maxaliga ah.








La wadaag



