Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ก๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐๐ฒ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐

Muqdisho(SONNA):-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda 28-aad ee dhismihii dowlad goboleedka Puntland awgeed.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa bulshada deegaanadaas ku bogaadiyay biseylkooda dowladnimo iyo nabadda , isaga oo sidoo kale hambalyeeyay hoggaankii soo maray maamulkaas kaalintii ay ka qaateen dowlad dhiska dalka iyo dhabar-adeygii ay muujiyeen xiliyadii kala duwanaa ee lagu jiray dhismaha iyo yagleelidda maamulkaas.
Raโiisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii u rajeeyay hoggaanka & bulshada gobolada Puntland nabad waarta, Horumar & Barwaaqo.
La wadaag



