Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ก๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐จ๐ง๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ฅ๐๐ฆ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ ๐

Muqdisho(SONNA):-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku guueleystay in uu sii hoggaamiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaannada Golaha Shacabka u muujiyeen, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan oo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, isla markaana uu hormuud ka noqdo dadaallada lagu xoojinayo shaqada iyo doorka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo isku-duubnida dhow ee ka dhexaysa hayโadaha dowladda gaar ahaan Xukuumadda iyo Barlamaanka, taasi oo mudnaan gaar ah siinaysa dardargelinta qorshayaasha Qaranka, si loo xoojiyo dowladnimada, loona gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu dambayn Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u rajeeyay masuuliyad gudasho, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqayso heyโadaha sharci-dajinta dalka, si loo horumariyo shuruucda iyo siyaasadaha muhiimka u ah xasilloonida iyo mustaqbalka Soomaaliya.



