calendar_todaydevice_thermostatโ€ฆ
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š โ€” SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddi heerkiisu sarreeyo oo qaabilsan horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka.

Gogol-xaadhka hawsha guddigan, oo muddo sanad ka badan ka socotay Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, isla markaana ay wadeen guddi-hoosaadka Shaqo-abuurka Qaran, ayaa hadda soo gaartay waqtigii dhaqangelinta.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, oo cuskanaya qodobka 120-aad ee Dastuurka JFS, isla markaana eegaya muhiimadda ay leedahay dardargelinta xirfadaha, shaqo-abuurka, nidaamyada hagaajinta suuqa shaqada, iyo abuurista fursado dhaqaale oo lagu horumarin karo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka.

Guddiga ayaa ka kooban Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha iyo 13 wasaaradood oo udub-dhexaad u ah hawlaha xirfadaha iyo shaqo-abuurka.

La wadaag