Wararka
๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐จ๐๐๐ ๐จ๐จ k๐ q๐๐ฒ๐ g๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ w๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ s๐๐๐จ๐จ๐ฅ๐ง๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐
Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka qeyb galay daah-furka shir heer sare ah oo lagu soo bandhigayay natiijooyinka Warbixinta Saboolnimada Carruurta Soomaaliyeed, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hayโadda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya (SNBS). Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka socday dowladda, hayโadaha Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha horumarinta iyo daryeelka bulshada. Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo shirka ka hadlay, ayaa xusay in saboolnimada carruurta ay ka mid tahay caqabadaha waaweyn ee saameeya mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo xog sax ah oo lagu saleeyo qorsheynta iyo hirgelinta barnaamijyada lagu yareynayo nuglaanta carruurta. Ugu danbeyn, Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta dowladda, hayโadaha caalamiga ah iyo dhammaan daneeyayaasha si loo xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo nolosha carruurta Soomaaliyeed loona yareeyo saameynta saboolnimada iyo dhibaatooyinka baniโaadannimo ee soo noqnoqda.

Lead paragraph for the story.
Faahfaahinta dhacdooyinka
Wariyeyaashayadu waxay sii wadaan dabagalka xaaladda caasimadda, iyadoo ilo rasmi ah ay sheegeen in tallaabooyinka cusub ay dhaqan gali doonaan maalmaha soo socda.
- Kulanka guddiga khaaska ah
- Olola wacyigelin ah oo muwaadiniinta loogu talagalay
- Iskaashi lala yeesho la-hawlgalayaasha gobolka
"Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo maro hufnaan iyo adeeg dadweyne."
Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa marka dib-u-eegista tifaftirka la dhammeeyo.

