Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka dhallinyarada Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Xudur “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Ciyaaraha > Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka dhallinyarada Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Xudur “SAWIRRO”
CiyaarahaWararka

Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka dhallinyarada Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Xudur “SAWIRRO”

By Sonna Whiteka
Last updated: February 15, 2020
2 Min Read
Share

Xudur (SONNA) – Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay maamulka Degmada, dhallinyarada, Cayaartoyda iyo bahda fanaaniinta.

Soo dhoweyn kaddib maamulka Gobalka iyo kan Degmada ayaa si wadajir ah Wasiirka iyo wefdigiisa ugu soo dhoweeyay Degmada, iyagoo sheegay inay ku faraxsanyihiin socdaalkooda.

“Anaga ka maamul ahaan waxan bixin doonaa goobtii xaruunta loogu dhisi lahaa dhallinyarada ay helaan fursado lagu horumarinayo waxayna u baahanyihiin in tababaro loo furo horyaalo kubada cagta iyo kubada kolleyga loo qabto xudur, waxaan ka dhisan kooxo badan oo cayaartoy ah, Wasiir waxan kaa codsanaynaa inaad wax ka qabato baahiyaha ay qabaan dhalliryarada iyo isboortiga degmada xudur” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka dhallinyarada ee Koonfur Galbeed ee soo gaaray Xudur.

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cali dhuux ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto la kulanka dhallinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada si ay u dhageystaan baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.

“Maanta waxan halkaan u imid in aan la kulano bahda dhallinyarada iyo cayaartoyda, waxaan ka xogwaresan doonaa horumarka ay sameeyeen, waxan qiimeyn doonaa baahiyaha ay qabaan, waxaan dhisi doonaa xarun dhaxal gal ah oo ay isugu yimaadaan dhallinyarada Degmada Xudur si fikirkooda ay isugu gudbiyaan su’aalona ay isku weydinkaraan isdhexgalna ay ugu sameeyaan” ayuu  yiri Wasiir Cali dhuux

Muddada ay joogaan Wasiirka iyo Wafdigiisa waxay qaban doona koob lagu dhiiri gelinayo Nabadda iyo isdhexgalka bulshada ku nool degmada Xudur.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka Madaxda Afrika

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda…

GudahaWararka
February 18, 2023

Soomaaliya iyo Baxrayn oo ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna

Jiddah-(SONNA)-Qunsulka Guud ee JFS u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya, Cabdiwali Xersi Cabdulle ayaa kulan la qaatay dhiggiisa…

GudahaWararka
October 2, 2025

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gebagabeeyey safarkii taariikhiga ahaa ee afartii maalmood…

GudahaWararka
April 15, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiiska Aas-aasidda Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaruntooda ku ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika…

Gudaha
December 4, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023